Ardayda waxbarashada gaarka leh ama naafada ah ayaa ka mid ah kuwa sida aadka ah u sahmeeysay masiibada COVID-19.

Taageerooyin la yiraahdo adeegyada soo-kabashada ayaa laga heli karaa, si looga caawiyo ardayda aanan gaarin horumarka aqoonta laga filaayo dugsiga. Koox kasta oo ka tirsan Barnaamijka Waxbarashada Shakhsi ahaaneed (IEP) waa inay ka hadlaan adeegyada soo-kabashada oo ay ku jiraano waxbarashada magdhowga, goorta la shiraayo ama la kulmaayo. Waxaa jiri kara adeegyo dugsiga oo dhan laga heli karo sida waxbarida khaaska, adeegyada caafimaadka maskaxda, ama adeegyo kale oo la xiriira IEP-ga ardayga oo leeyahay.

Adeegyada Soo-kabashada

Adeegyada Soo-Kabashada waa taageerooyinka dugsiyad la siinaayo ardayda marka aysan sameeynin horumarka laga filaayo. Adeegyada ka-soo-kabashada waxbarashada guud waa kaalmooyinka dugsiyadu u fidiyaan dhammaan ardayda, si ay u caawiyaano in qof walba soo kabsado isla markaana u kor u qaado aqoonta, sida ka caawinaada waxbarashada shaqada guriga ee dugsiga ka dib, waqti dheeraad ah oo lagu dhisaayo bulshada iyo in ka badan. Ardayda waxbarashada gaarka leh, taageerooyinka soo-kabashada shaqsiyeed waa inay ka wada hadlaan koox kasta oo ka mid ah IEP. Tani waxaa ka mid noqon kara dib-u-eegista IEP-ga ardayga oo ku salaysan baahidooda waxbarasho gaar ahaaneed iyo shucuureed-bulsheed oo keentay natiijada masiibada. Haddii ardaygaagu aanu sameeynin horumarka laga filaayo, marka la barbar dhigo koritaanka ka-hor masiibada, waydii adeegyada soo-kabashada shaqsiyeed. Waxaad wax badan ka baran kartaa halkan. You can learn more here.

Waxbarashada Magdhawga

Waxbarashada magdhawga ah waxaa loola jeedaa adeegyada taageerada oo ardayga leeyahay marka adeegyadooda IEP aysan u soo gudbin degmadu. Ujeeddada waxbarashada magdhowgu waa in laga saxaa horumar la’aanta laga yaabo in ilmuhu la kulmo iyada oo ay sabab ugu tahay ka maqnaanshaha adeegyadooda.

Haddii ardaygaagu uusan helin adeegyada IEP-da uu ku baaqaayo, weydiiso arimaha ku saabsan waxbarashada magdhawga ah. Waxaad wax badan ka baran kartaa halkan.

Kheyraadka

Washington state Office of the Superintendent of Public Instruction (OSPI) Special Education Division, Xiriirka Qoyska iyo Bulshada – 360-725-6075

PAVE800-5-PARENT (800-572-7368)

Open Doors for Multicultural Families – 253-216-4479

Disability Rights Washington – 800-562-2702

Northwest Justice Project888-201-1012

Washington state Governor’s Office of the Education Ombuds866-297-2597

 

Akhri sharraxaadda ururrada kor ku xusan oo ka fiiri kheyraad badan ee Arc of King County.